Home arrow News in Somali
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:409
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:86
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:709
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:315
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 07 2008
Canada oo Sheegtey in ay Ilaalineyso Maraakiibta Mucaawinada Usida Soomaaliya
Written by Ali Moallim   
Thursday, 07 August 2008

Canada,(insidesomalia.org)- Dowladda Canada waxay shaaca ka qaadday in ay Markab dagaal u direyso Xeebaha Soomaaliya, kaasi oo ilaalin doona Maraakibta Raashinka Mucaawinada ah geysa  Xeebaha Soomaaliya.

 

Wasiirka Gaashaandhigga Canada Peter Mackay ayaa sheegay in Markabka ay u soo dirayaan Xeebaha Soomaaliya uu galbin doono Maraakiibta ay soo kireysato Hay’adda WFP ee raashinka mucaawinada ah u wada Soomaaliya.

 

“Gaarsiinta Raashinka mucaawinada ah si deg deg ah ayaa looga baahan yahay dalka Soomaaliya, laakin amni darrada ka sii dareysa ee ka jirta Soomaaliya ayaa waxay mid adag ka dhigtay in raashinkaas Badda iyo Berriga lagu gaarsiiyo dadka u baahan”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Canada Peter Mackay oo sheegay in ay kaliya howshoodu noqon doonto in ay Maraakiibta mucaawinada waday ay si nabadgelyo ah ku geeyaan Dekedaha loo xusho.

 

Dowladda Canada waxay noqotay Dowladdii ugu horeysay oo  ka jawaabtay codsi ay dhawaan Hay’adda WFP u jeedisay Dalalka Caalamka, kaasi oo ku saabsanaa in Maraakiibteeda raashinka Mucaawinada ah u wada Soomaaliya loogu deeqo Maraakiib dagaal oo ka ilaaliya Kooxo Burcad Badeed ah oo ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya ee aaney cidina ilaalin.

 

8-dii bilood ee aynu ka soo gudubnay ayaa waxaa ilaalinayay raashinka mucaawinada ah ee ay WFP u soo marsiiso Soomaaliya dhinaca Badda Maraakiib dagaal oo ay leeyihiin Dalalka Holland, France iyo Denmark, iyadootan iyo xiligaasna aan la af-duub Maraakiibta u raran Hay’adda WFP.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >